DHAGEYSO:William Ruto oo maanta tagaya ismaamullada Narok iyo Turkana

0
389

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo dhawaan ku sugnaa ismaamulka Makueni ayaa lagu wadaa inuu maanta ololihiisa siyaasadeed geeyo dowlad deegaanada Narok iyo Turkana.
Waxaa uu ku hor marayaa Narok isagoo xilliga duhurnimo u sii gudbi doono Turkana.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in William Ruto uu labo cisho ku sugnaan doono ismaamulka Turkana si uu shacabka halkaasi ku nool uga codsado inay ku taageeraan musharraxnimadiisa sanadka 2022-ka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa adeegsanaya qorsho dhaqaale oo uu doonayo in haddii uu talada qabto, maamulkiisa uu ku garab istaagi doono ganacsatada yaryar, dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo danyarta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Ruto uu ka qayb galo xaflad dhaqameedka Tobong’u Lore ee ismaamulka Turkana.
Shalay ayay ahayd markii isagoo ku sugan ismaamulka Makueni uu gaashaanka u daruuray taageerada ay maalqabeenada iyo waxgaradka gobolka bartamaha dalka u muujiyeen madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Ruto ayaa tallaabo aan miro-dhal ahayn ku tilmaamay in heshiisyo siyaasadeed lagu gaaro maqaayadaha sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu xusay in is-afgaradkaasi uunan ahayn mid ka turjumaya rabitaanka iyo danaha shacabka isagoo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ugu baaqay inuu ku soo biiro xisbiga UDA