Maxkamadda sare ee dalka ayaa soo saartay amar ay si ku meel gaar ah guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC kaga hor istaagtay inuu qabto afti wax looga beddelaya xeerarka u degsan Kenya.
Amarkan ayaa shaqeynaya ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo dhageysiga dacwado loo gudbiyay maxkamadda oo ka dhan ah geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Waxaa go’aanka maxkamadda soo saaray 5 garsoorayaal oo kala ah Prof. Joel Ngugi, George Odunga, Jairus Ngaa, Janet Mulwa iyo Enock Mwita.
Dacwadaha maxkamadda la geeyay ayaa su’aal gelinaya sharcinimada iyo siyaabaha loo marayo hindise sharciyeedka ku aaddan sharci beddelka ee BBI.
Hasa ahaate xaakinnada ayaa diiday in ay farageliyaan kal-fadhiyada wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada iyo baarlamaanka ee ku aaddan arrimaha BBI.