Ugu yaraan inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa dhimatay halka 40 kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib markii gaari nooca isboortiga u jiiray dad ku sugnaa goob lagu soo badhigayay dholatuska ciida masiixiga ee gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare 4:39 ee galabnimo ee saacadda maxalliga ee wadankaasi.
Taliyaha booliiska ee goobta shilka ka dhacay Dan Thompson ayaa sheegay in qof looga shakiyay inuu gaariga waday gacanta lagu dhigay isaga iyo baabuurka.
Dadka waxyelladu soo gaartay ayay wararku sheegayaan inay ku jireen carruur.
Lama oga in dhacdadani ay la xiriirto argagixisanimo iyo in kale, balse haatan ay socdaan baaritaanno dheeraad ah.