Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa soo saaray dalabaad ah in la siidaayo hoggaamiyihii wadanka Myanmar ee Isniintii la xiray Aung San Suu Kyi iyo mas’uuliyiinta kale.
Haweeneydan iyo saraakiil kale ayaa la qabtay ka dib markii ciidamada difaaca ee wadankaas ay talada qaab afgembi ah kula waregeen.
Madaxweynaha Maraykanka Mr. Joe Biden ayaa militariga Myanmar u sheegay in laga doonayo inuu talada dib ugu celiyo maamulkii jiray si uunan u muteysan in cunaqabateyn lagu soo rogo.