Haweeney 28-jir ah oo u dhalatay dalka Ruushka oo muddo 23 sano ah tinta jarin

0
604

Haweeney Kalkaaliso ah oo 28 jir ah kana soo jeeda magaalada Irkutsk ee Ruushka ayaa loogu magac daray “Rapunzel-ka Ruushka” ka dib markii la ogaaday in timaheeda oo dherar ahaan gaaraya anqawga aan la jarin 23 sanno.
Anzhelika Baranova waxay ahayd shan jir oo kaliya markii ugu danbeysay ee timaheeda la xiiray.
Iyada iyo waalidkeed midna ma qorsheynin in timaheeda aan la jarin in ka badan labaatan sanno, balse waa wax uun dhacay qorshe la’aan.
Waxay had iyo jeer aad ugu faani jirtay timaheeda, daryeelkeeduna marna ma ahayn hawl badan.
Waxay ku andacoonaysaa inaysan wax gaar ah u qaban si ay u ilaaliso timaheeda, kaliya waxay ku maydhaa toddobaadkii laba jeer shaambo waxayna si tartiib ah ugu cadaydaa shanlo si ay u hubiso inaysan jabin xadhkaha guntimaha leh.
“Wax walba waa mid aad u fudud, daryeel aad u yar, timaha waxaan meydhaa labo jeer isbuuci”, ayay tiri Baranova.
28-jirka ayaa qirtay in ku socodka timaha dheer ee jooga canqowga ay noqon karto mid adag oo xitaa aan raaxo lahayn mararka qaarkood, iyada oo intaas raacisay inay mudan tahay dhibka, maaddaama timaha dheer ay farxad badan u keento.
“Kuwa aan jeclahay, aniga oo kale, waxay aaminsan yihiin in timaha dhaadheer ay u muuqdaan kuwo aad u qurux badan,” ayay tiri Anzhelika, iyada oo raacisay inaysan qorsheyneynin inay timaheeda jarto mar dhow.