Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Fedraalka Soomaaliya Xildhibaan C/fataax Qaasim oo Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kula hadlayay Magaalada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalku ay Bilaabayaan Dagaal ka dhan ah Shabaab oo looga saarayo deegaanada ay go’doomiyeen iyo goobaha ay ku sugan yihiin.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad ayaa howlgalo saakay ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaay sigaar ah uga sameeyeen degaannada Sinadhaqo iyo labi-dulle oo dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo la sheegay inay la wareegeen degaanadaas.
Taliye xigeenka Guutada 15-aad G/le. Xirsi Axmed Cali Quuri ayaa sheegay in ciidamada ay la wareegeen labadaasi degaan, isla markaana amaankooda ay si weyn u xaqiijiyeen.
Waxaa uu intaas ku daray in degaannada Sinadhaqo iyo labi-dulle ay mararka qaar tegi jireen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana uu sheegay inay baaritaano ka sameeyeen Xaafadaha iyo goobihii fariisimaha u ahaa Al-Shabaab.
Degaano ku yaal duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & Al-Shabaab oo weeraro hoobiyeyaal ah ku qaada Magaalada Dhuusamareeb.