Nin ku andacoonaya inuu seexanayay 30 daqiiqo oo kaliya maalintii 12kii sano ee la soo dhaafay

0
549

Daisuke Hori, oo ah 36 jir u dhashay dalka Japan, ayaa dhawrkii sano ee la soo dhaafay ku tababarayay maskaxdiisa iyo jidhkiisa sidii ay ugu shaqayn lahaayeen sida ugu macquulsan ee hurda yar.
Wuxuu sheeganayaa inuu seexdo 30 daqiiqo oo kaliya maalintii oo uusan daalin haba yaraatee.
Wuxuu sheegay inuu hoos u dhigay waqtigiisii hurdada ee maalinlaha ahayd qiyaastii 8 saacadood maalintii ilaa 30 daqiiqo oo keliya, isaga oo aan caqabad ama waxyeello la kulmin oo la xiriirta hurdo-yarida.
Waa guddoomiyaha “Ururka dadka hurdada yar ee Japan” oo hadda wuxuu dadka kale baraa sida loo yareeyo waqtiga hurdada ee maalinlaha ah si ay nolosha ugu raaxaystaan.
Daisuke Hori ayaa dhawaan lagu soo bandhigay barnaamij caan ka ahaa TV -ga Japan, halkaas oo uu kaga hadlay jadwalkiisa hurdada ee muranka dhaliyay.
Sida muuqata, wuxuu had iyo jeer dareemayay in 16 saacadood oo wakhtiga uu soo jeedo ahaa mid aan ku filnayn inuu sameeyo dhammaan waxyaabaha uu doonayo maalin kasta.
Waxaa uu bilaabay baadhitaan iyo tijaabinta hoos u dhigidda jadwalkiisa hurdada ee maalinlaha ah, in ka badan dhawr sannadoodna wuxuu ku guulaystay inuu yareeyo saacadeaha hurdada ee 8 saacadood ilaa nus saac oo keliya maalintii uu hurdayo, isagoo weli dareemaya caafimaad iyo firfircooni.
Maadaama 30 daqiiqo oo hurdo ah ay tahay mid aan macquul gal ahayn, soosaarayaasha TV -ga ayaa ku xujeeyay Hori inuu ku soo bandhigo kaameerada horteeda jadwalka hurdada muddo saddex maalmood ah.
Wuxuu aqbalay in shaqaalihii TV -ga ay soo raacaan isaga oo ku guulaystay inuu seexdo 30 daqiiqo oo kaliya maalintii, mararka qaarkood xitaa wax ka yar intaas ayuu hurdayay.
Xitaa ka dib markii uu TV -ga qaranka ku soo bandhigay caadadiisii hurdada ee aan caadiga ahayn, dad badan ayaan weli ku qancin in uu seexday 30 daqiiqo oo kaliya maalintii 12kii sano ee la soo dhaafay.
Wuxuu xusey inuu si tartiib tartiib ah u yareeyay hurdadiisii maalinlaha ahayd sanado badan, laakiin wali, waa wax adag in la aamino…