Dowladda Turkiga oo cambaaraysay weerarkii Huteel Afriik

0
789

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu canbaareeyay weerarkii Al-Shabaab ay Galinkii danbe ee shalay ay ku bartilmaameedsadeen hoteelka Afriik ee magaalada Muqdisho.
Qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Turkiga ayaa lagu yiri,Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada Soomaaliya.
Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ah ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga .
Ugu danbeyntii waxaa qoraalka lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto ku garab istaaga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.
Weerarkii Xalay ka dhacay Hotel Afriik ee Magaalada Muqdisho