Dowladda dhexe ayaa sheegtay in ay sare u qaaday howlaha kormeerka ee la xiriira Ayaxa .
Xoghayaha wasaaradda beeraha ee dalka Prof. Hamadi Boga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Garissa ballanqaaday in dowladda dhexe ay ismaamulkaas ugu deeqi doonto kheyraad dheeraad ah si loola dagaallamo cayayaankan.
Waxaa uu Prof. Boga xusay inuu u riyaaqay wax qabadka guddiyada loo xilsaaray kormeerka iyo xakameynta faafidda Ayaxa.
Mas’uulkan ayaa ammaanay kaalinta ay la tacaalidda Ayaxa ka qaadanayaan saraakiisha dhanka maamulka ee dowladda sida guddoomiye xaafadeedyada iyo sidoo kale waxgaradka.
Xoghayaha dowladda ismaamulka Cabdi Sheekh Muxumad ayaa sheegay in 6,800 oo heektar oo isugu jiro dhul beereed iyo dhul-daaqsimeed uu Ayaxa saameeyay.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Garissa Meru Mwangi ayaa dhankiisa sheegay in loo baahan yahay adeegsiga istaraatiijiyo dheeraad ah ka hor inta uunan Ayaxa ku sii faafin qaybaha kale ee dalka.
Home Wararka Kenya Dowladda dhexe oo ismaamulka Garissa u ballanqaaday dhaqaale lagula tacaalayo Ayaxa