Xoghayaha ururka KNUT oo ka soo horjeestay in la soo celiyo garaacii ardayda

0
782

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedin dhawaan ka timid wasiirka waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha oo ahayd in dib loo soo celiyo hannaankii ardayda lagu ciqaabi jiray ee qaabka garaaca ahaa.
Magoha ayaa sheegay in tani ay xal u tahay hoos u dhaca hab-dhaqanka wanaagsan ee ardayda ee sababay in dab la qabadsiiyo dugsiyo dhowr ah.
Mr .Sossion ayaa dhankiisa ku talinaya in meesha laga saaro qaybaha hooyga ee ay ardaydu seexdaan si waalidiinta ay wakhti badan ula qaataan carruurtooda.
Waxaa uu sheegay in garaacii ardayda oo la soo celiyo uu khilaaf ka dhex abuuraya waalidiinta iyo macallimiinta.
Wilson Sossion ayaa xusay in arrinkan oo lagu degdego ay ka dhalan karto in ardayda ay cadow u arkaan macallimiinta ka dibna kula kacaan falal khatar ah.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee KNUT waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dugsiyada oo muddo dheer xirnaa cudurka COVID-19 awgii ay muujisay in waalidiinta ay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii ka saarnayd la socodka hab-dhaqanka carruurtooda.