Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inaysan jirin dayn siyaasadeed oo lagu leeyahay, taasi oo u muuqatay mid uu kula hadlayay kuwa sheegaya in ku xigeenkiisa William Ruto dayn siyaasadeed ku leeyahay.
Xilli u shalay ka hadlayay Sagana ee ismaamulka Nyeri ayuu sheegay in balanta kaliya uu fulinayo ay tahay tan shacabka Kenyaanka isla markaana uu ku guda jiro dhaqangalinteeda.
Kenyatta oo u muuqday inuu si toos ah ula hadlayay madaxweyna Ku xigeenka William Ruto oo uu ku tilmaamay inuusan wakhtigiisa sugayn oo uu deg degaayo.
Madaxweynaha ayaa sido kale fursadaas kaga fa’ideystay inuu gobolka uu ka soo jeeda ugu yeero inay taageeran geedisocodka dastuurka wax looga beddelaayo ee BBI.