Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, ayaa sheegay in la dardargelinayo qorshaha xukuumadda Washington ee ku aaddan inay ugu dambeyn 31-da bishaan ciidamadeeda kala baxdo dalka Afghanistan.
Mr. Biden ayaa xusay in howlaha daadgureynta dibloomaasiyiinta Maraykanka iyo shacabka kale ee iskaga tagaya dalkaasi ay si habsami leh u socdaan.
Hasa ahaate si cad ma uunan u sheegin in la kordhinayo muddada kama dambeyska ah iyo in kale .
Waxaa uu tilmaamay in arrinkan oo lagu guulaysto ay ku xiran tahay wada shaqeynta ay ka helaan hoggaamiyaasha maamulka haya ee Taalibaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kooxda Taalibaan ay Maraykanka ku wargelisay inuu cawaaqib xumo la kulmi doono hadii ciidamadiisa 31-da bishaan ka dib ay ku sii sugnaadaan gudaha dalka Afghanistan.