Mudavadi oo sheegay in hadii uu madaxweyne noqdo uu diiradda saari doono arrimaha dhaqaalaha

0
322

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ballanqaaday in hadii sanadka 2022-ka uu ku guulaysto xilka ugu sarreeya dalka uu mudnaanta koowaad siin doono kobcinta dhaqaalaha.
Wasiirkii hore ee maaliyadda wadanka ayaa sheegay in dib u soo nooleynta dhaqaalaha ay tahay arrin u baahan in si qoto dheer looga baaraan dego.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la soo saaro sidoo kalena la dhaqangeliyo xeerar la xiriira sare u qaadidda wax soo saarka.
Madaxa ANC ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ku eedeyay inay xoogga saarayaan keliya danahooda oo aynan daacad ka ahayn haqabtirka baahiyaha shacabka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Musalia Mudavadi kaga digay in wax ka qabashada dhaqaalaha loo adeegsado keliya dano siyaasadeed oo shacabka looga raadsanaya taageero.