Mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale oo ka hadlay muranka in muddo ah ka taagnaa xuduudda ay wadagaan deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa iyo dowlad deegaanka Isiolo ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ku dhaliilay in qaab laga wanaagsan yahay ay u wajahday.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay mas’uuliyad ka saaran tahay sugidda ammaanka balse ay doorbidayaan in madaxda siyaasadeed fursad loo siiyo inay ka wada hadlaan oo heshiis waara ay ka soo saaraan dhibaatooyinka soo noqnoqday.
Xildhibaanka Garissa Township ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ku sugnaa magaalada Garissa wuxuuna hoosta ka xarriiqay in bulshooyinka Garissa iyo Isiolo ay muddo dheer wada degganayeen sidaas awgeedna ay heshiin karaan.
Dhanka kale waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay isqabqabsi dhinaca dhulka ah oo saameyay Garissa.