Dowladda Iran ayaa maanta ku eedeysay Israel in ay kordhisay weerarada ka dhanka ah hubka nukliyeerka ka dib markii bishi hore weerar lagu qaaday xarun nukliyeer oo u dhow magaalada Tehran.
Wakaaladda wararka ee dowladda Iran ayaa ku warantay sida ay mas’uuliyiintu u qireen in burbur xoogan ay soo gaartay dhismaha hubka Nukliyeerka ee la weeraray.
Masuuliyiinta Iran waxay shacaiyeen inay bishi hore ka hortageen weerar la damacsanaa in lagu qaado goob ku taala Karaj oo ah magaalo 40 kiilomitir (25 mayl) waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda wadanka Iiraan.
Si kastaba ahaate Ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxyabaihii ku jiray dhismaha la bartilmaameedsaday ee ay leedahay wakaaladda Tamarta Atomiga ee Iran.