Xukuumadda Israa’iil oo guuldarro kala kulantay baarlamaanka

0
470

Xukuumadda cusub ee Israa’iil ayay dharbaaxo xooggan ka soo gaartay golaha baarlamaanka.
Waxay ku guul dareysatay in ay cusbooneysiiso xeer muran dhaliyay oo Falastiiniyiinta ku nool daanta galbeed iyo marinka Qaza ka hor istaagaya in ay helaan aqoonsiga iyo degganaanshaha Israa’iil hadii ay guursadaan Falastiiniyiinta ku sugan gudaha Israa’iil.
Sami Abou Shahadeh oo ka mid ah baarlamaanka Israa’iil balse ka soo jeedo Falastiin ayaa guul ku tilmaamay inuusan miro dhalin dadaalka xukuumadda ra’iisul wasaare Naftali Bennett .