DHAGEYSO:Ciidamada ammaanka ee Gaalkacyo oo heegan sare la galiyay

0
292

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gobalka Mudug ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiisha Ciidmada iskudhafka ah ee suga amaanka Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka.
Mas’uusliiyiintaan ayaa Ciidaanka iskudhafka ah kala hadlay xoojinta wadashaqaynta dhanka amniga degmada Gaalkacyo iyo isku xirnaanshaha ciidanka si ay uga hortagaan Kooxaha ku howlan Falalka Amaan Darada ah.
Maamulka degmada Gaalkacyo iyo kan Gobalka Mudug ayaa waxaay sheegeen inay dadaal xoogan ku bixinayaan ka shaqaynta amniga magaalada oo dhowr jeer ay ka dhaceen dilal qorsheysan.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo waxay Sidoo kale sheegeen in heegan la geliyay Ciidamada Amaanka Magaalada Gaalkacyo, iyagoo kula dardaarmay inay ammiga guud ee Magaalada si weyn u adkeeyaan.
Dhanka kale Ciidanka Kumaandooska Danab ee ay dowladda Soomaaliya geysay degaanka Wisil ee isla Gobolkaasi mudug ayaa bilaabay howlgalo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxay howlgalka intiisa badan ka sameeyeen duleedka deegaanka Wisil, iyagoo gurmad Dhanka Nolosha ah gaadhsiiyay qoysaskii ka barakacay dagaalkii Wisil ka dhacay Bilowgii todobaadkaan.
Saraakiisha Ciidamada Hogaaminaysa ayaa sheegay inay howlgalkaan shabaab uga saarayaan deegaanda Wisil ku dhow dhow ee ay weerarada ka soo qaadayaan iyagoo Tilmaamay inay si weyn u xaqiijiyeen Amniga deegaanka Wisil, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda todobaadyadaan.
Saraakiishaa Ciidamada ayaa waxay sheegeen inay soo saareen Miinooyin badan oo hareeraha Magaalada Wisil aya shabaab ku aaseen kuwaasoo ay doonayeen inay shacabka iyo Ciidamada amaanka ku dhibaateeyaan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii dagaalameyaash ka Tirsan Al-Shabaab ay deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku qaadeen weerar ku billowday qarax, waxaana dagaal halkaasi ka dhacauy ku geeriyoodeen in ka badan 30 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here