Kumanaan qof oo ku barakacay dagaalkii Wisil

0
431

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka arrimaha bani’aadanimada, ayaa war ay soo saartey ku sheegtay in kumanaan qof ay ku barakaceen dagaalkii ka dhacay degaanka Wisil ee Gobolka Mudug.
Qoxootigan ayaa waxey u kala carareen degaannada xeryo Dhagaxleey, Hobyo iyo Gaalkacyo.
Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa ku boorisay dhinacyada dagaalamaya iney dhawraan xuquuqda dadka rayidka ah.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii ay shaley Wisil ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaal yahano katirsan al-Shabaab, kadib markii Al-Shabaab ay degaankaas ku qaadeen weerar ku billowday qarax.