DHAGEYSO:Puntland oo sheegtay inaysan aqbaleynin weerarrada Shabaab iyo Daacish ee deegaanadeeda

0
421


Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirada Amniga,Caafimaadka iyo Taliyaha Ciidamada Maamulkaasi ayaa Gaareen Deegaanka Bal-dhidin ee Gobolka Bari waxayna Bulshada ugu Baaqeen inay Laamaha amaanka kala shaqeeyaan si deegaanka looga hirgaliyo adeegayada Muhiimka ah ee ay Bulshada u baahan yihiin gaar ahaan Nabadgalyada iyo Caafimaadka.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlaayey shacabka deegaanka Bali-dhidin ayaa Wuxuu sheegay inay Qaadi doonaa Howlgal ka dhan ah Kooxaha Argagixisada Daacish iyo shabaab ilaa laga ciribtirayo lagana Saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Buuralayda Gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamad Galan ayaa dhankiisa sheegay in shalay Wafdi u soo socday Deegaanka Bali-dhidin ay kooxda Daacish wadada Miino u Galiyeen uuna ka dhashay Qasaare kala duwan sidaas Darteedana ay sii laba Jibaarayaan dagaalka ka dhanka ah Daacish ayna dhamaystirayaan Ciidamada howlgalada Fulinaya kuwaasoo hadda heegan Sare ku jira.

Ugu dambayntii Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland Dr Jaamac Farax Xasan ayaa sheegay inay Adeeg Caafimaad Gaarsiiyeen Cisbitaalka Degmada Balidhidin ayna hadda wadaan qorshaha sare u qaadida adeegyada Caafimaadka ee deegaanada Gobolka Bari.
Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland ayaa sheegay inay Mashruucaan Caafimaadka si gaar ah diiradda ugu Saarayaan Xaaladaha deg dega ah iyo hooyooyinka Umulaya.