Militariga Itoobiya oo beeniyay in ay shacab dileen

0
421

Afhayeen maanta u hadlay ciidamada difaaca ee dalka Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in duqeymo la fuliyay ay dad shacab ah ku dhinteen.
Howlgalladan oo ahaa kuwo dhanka cirka ah ayaa dhacay toddobaadkan gudihii.
Waxaa uu afhayeenku xusay in duqeymaha oo laga gaystay gobolka waqooyi ee Tigray lagu bartilmaameedsaday keliya dagaalyahaano.