Dagaal culus oo ka dhacay Gobalka Tigrayga ee waddanka Itoobiya

0
395

Iyada oo dalka itoobiya ay ka socoto tirinta cododkii laga dhiibtay dorashadi dallkaasi ka dhacaday isniinti ayaa dhanka kale gobalka tigrayga laga soo tabinayaa iska hor imaadyo u dhaxeeya cidamada dawlada faderaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF, ee kuwada sugan waqooyiga dalkaasi Itoobiya.
21-di bishan ayay ahayd marki shacabka reer itoobiya ay u dareereen goobaha codbixinta dalkaasi si ay u soo dortaan xildhibaanada ku matali doona dawlada dhexe iyo kuwa dowla-degaanada marka laga yimaaddo degaano dhawr ah oo dorashadoodda dib loo dhigay.
Inta badan goobaha lagu tirinayo coddka laga dhiibty dorashadda ee magalada casimadada u ah dalkaasi ee Addis Ababa, ayaa soo xirmay iyada oo laga dhursugayo natiijada ay soo saari donaan guddiga dorashooyinka dalkaasi sida uu war fidiyeenada u sheegay afhayeenka gudiga dorashooyinka Itoobiya.
Dadka ku dhaqan Dawla-degaanka Sidama, ayaysan u sura galin in ay codkoodda dhibtaan malinki 1-aad ee dorashada kadib ciladdo farsmo oo dhacay owgeed sida laga soo xigtay gudiga dorashooyinka ee wadankaasi balse maalin kale oo dheeri ah ayaa loogu daray si codkooda ay u dhibtaan.
Cidamadda ururka TPLF, ayaa lagu soo waramayaa in ay soo galeen magalooyin badan oo ku yaala gobalka tigrayga kuwas oo ay ka mid tahay magalada casimadda u ah gobalkasi ee Makkale, iyada oo dagaalo cul’culus ay dhex mareen cidamadda dawlada ee ku sugan degaankaasi sida ay shegeen dadka degaanku.
Duqayn diyaradeed oo Talaadadi ka dhacaday magalada Togoga, ee waqooyiga gobalka tigrayga waxaa ku dhintay dad gaaraya 43-qof sida ay wakaaladda wararka ee Reutes ay u xaqijiyeen dad goob joogayaal ah.
Dhankiisa Afhayeenka cidamadda milatariga Itoobiya Colonel Getnet Adane, oo dhacdadani wax laga waydiiyay waa uu ka gaabsaday ka hadalkeeda balse waxaa uu sheegay in Cidamadda dawladdu aysan bar tilmaameedsanaynin dadka rayidka ah.