Maraykanka oo kordhiyay muddada xayiraado ka dhan ah Mexico iyo Canada

0
337

Waaxda arrimaha gudaha ee Maraykanka ayaa soo saartay amar lagu kordhiyay muddada ay sii xirnaanayaan xuduudda dhanka dhulka ee uu dalkaasi la wadaago wadamada Mexico iyo Canada.
Bayaanka waaxdan waxaa ku cad in xuduudda aan la isaga gudbi karin ilaa 21-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.
Hasa ahaate waxaa dhaqangelinta amarkan laga soo reebay xaalado gaar oo lagu tilmaamay safarrada aad muhiimka u ah.