Ka dib markii maanta la soo helay gabadh lagu magacaabo Xafso Maxamad Luqmaan oo 15-kii bishan lagu afduubtay xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi ayaa wixii tan iyo xilligaasi dhacay waxaa warbaahinta Star wareysi gaar ah ka siiyay Zakaria Maxamad Luqmaan oo ay wada dhasheen gabadha.
Wariyahayaga Maxamad Axmad Khaliif ayaa wareystay.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa hadda su’aalo weydiinaysa eedeysane da’diisu lagu sheegay 24 sano oo la rumeysan yahay in taleefoonkiisa gacanta loo adeegsaday in lala soo xiriiro qoyska Xafso oo laga dalbanayay 5 milyan oo lacag madax furasho ah in kastoo aynan bixin.
Waxay sheegeen in gabadha laga soo saaray guri ku yaalla Kayole oo mugdi ah sidoo kalena aan nadiif ahayn iyada oo lagu qasbay in ay dhex gasho mid ka mid ah haamaha biyaha lagu keydsado.
Laamaha ammaanka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo ku lug leh ama damacsan falkan oo kale.
Xildhibaanka deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xasan ayaa dhankiisa saraakiisha ammaanka ee wadanka ku boogaadiyay dadaalka ay ku soo badbaadiyeen gabadha ganacsatada ah.
Waxaa uu ka codsaday in ay sii wadaan howlgallada amni si loo soo badbaadiyo gabadh kale oo lagu magacaabo Xafso Cabdi Axmad oo ilaa iyo hadda aan wax war ah laga hayn.
Mudanaha ayaa ciidamada ammaanka ku boorriyay in ay sare u qaadaan dadaalkooda si xaafadaha ay Kayole ka mid tahay looga cirib tiro kooxaha gaysta falal dambiyeedyada.
Waxaa uu dhanka kale dadweynaha ku nool deegaanka Kamukunji ku boorriyay in ay feejignaan muujiyaan oo ayna ka wada shaqeyaan xal u helidda xaaladdan.
Dhawaan ayay ahayd markii ilaa 4 gabdhood oo ay Xafso ka mid tahay la waayay in kastoo saddex ka mid ah la helay.
Dhacdooyinkan ayaa walaac ka beeray shacabka waxaana si weyn looga hadal hayay baraha ay bulshada ku wada xiriirto.