Cidamada Eritrea oo isga baxaya Gobalka Tigrayga ee dalka Itoobiya

0
401

Safiirka itoobiya u fadhiya qaramada midoobay Taye Atske, ayaa sheegay in ciidamada wadanka Eritrea, ee kusugan gobalka tigrayga ee wadankaasi itoobiya ay sida ugu dhakhsaha badan uga bixi donaan gobalkaasi.
Arinkani ayaa ahaa mid si aada looga dhur sugayay qaar badan oo ka mid ah waddamada caalamka iyo hayadaha gargaarka ee qaramada midobay ayaa dalbanayay in cidamada Eritrea, baneyaan gobalkaasi si loo gaarsiiyo gar’gaarka ay u baahan yihiin dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobalkaasi.
Hayadaha gar’gaarka ee qaramada midoobay waxay sheegeen in dad garaya 350,000 , oo qof ay wajahayaan xaladdo macaluul oo daran.
Safiirka itoobiya ee qaramada midoobay Taye Atske, waxa uu dhanka kale ka soo hor jeestay warbixinta qaramada midoobay loo gudbiyay ee kusaabsan macaluusha balse waxaa uu qiray in gobalka tigrayga ay ka jirto cuno yari.