Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden iyo dhigiisa wadanka Ruushka Vladamir Putin ayaa ku kulmay magalada Geneva ee caasimadda wadanka Switzerland.
Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay ee dhex mara labadda madaxwayne ka dib doorashadii madaxtinimo ee wadanka Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.
Kulanka oo qaatay muddo afar saacadood ah ayay dhinacyadu uga wada hadleen soo nolaynta xiriirka dhinaca diblamaasiyada ee ka dhaxeeyay dawladdaha Maraykanka iyo Ruushka.
Vladamir Putin, madaxwaynha Ruushka oo war fidiyeenada kula hadlayuay magalada Geneva kulanka ka dib waxaa uu sheegay in si wada jir ah labada dawladood ay isugu afgarteen in dib loo hawlgaliyo Safiiradii labada dal ee ku kala yaalay magalooyinka Washington iyo Moscow iyo in la yareeyo xurgufta dublamaasiyadeed ee u dhaxaysa labad dawladood.
Safiirki Ruushka u fadhiyay magalada washingtown Anatoly Antonov, ayay xukumada Moscow u yeeratay saddex bilood ka hor marki madxwaynaha Maraykanku uu ku qeexay dhigiisa Ruushaka mid dilaa ah taaas oo si aada uga caraysiisay xukumada Moscow.
Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda xiligaasi ku amartay safiirki Maraykanka u fadhiyay Moscow John Sullivan, in uu wada tashi ugu laabto dalkiisa.
Xukumada washington ayaa marar badan ku edaysay dawladda Ruushaka faragalin ay ku hayso wadanka Ukraine iyo weerarada dhinaca internet-ka ah.
Madaxwayne Putin ayaa ka dhawaajiyay in labada dal ay bilaabi donaan wada hadalo kale oo dheraad ah kuwaas oo ku saabsan xakamynta hubka wax gumaada ee nuclear-ka madama buu yiri ay masuuliyad guud kawada saaran tahay la tacaalistiisa labada dawladood.
Hogaamiyaha Ruushka wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Xukumada Kyiv inay jebisay heshiski lagu joojinayay iskahorimaadyada dhex mara ciidamada dowladda Ukraine iyo kooxaha gooni u goosadka ah ee taageersan Ruushka kuwaas oo ka dagaalama bariga wadankaasi Ukraine.