Joe Biden oo danjirayaal cusub magacaabay

0
552
TOPSHOT - US President Joe Biden speaks before signing executive orders on health care, in the Oval Office of the White House in Washington, DC, on January 28, 2021. - The orders include reopening enrollment in the federal Affordable Care Act. (Photo by MANDEL NGAN / AFP) (Photo by MANDEL NGAN/AFP via Getty Images)

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa b magacaabay 9 danjirayaal cusub ah.
Waxaa arrinkan shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi.
Danjirayaasha uu magacaabay Biden oo hadda ku sugan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa kala ah

  1. Thomas Nides oo loo magacaabay Danjiraha Israel
  2. Julianne Smith -Ergayga Maraykanka ee gaashaanbuurta NATO.
  3. Ken Salazar -Danjiraha Maraykanka ee dalka Mexico.
  4. Chesley Sullenberger -Wakiilka Maraykanka ee Golaha Ururka Duullimaadka Rayidka ee Caalamka (ICAO).
    Sidoo kale, Joe Biden waxa uu magacaabay Danjirayaasha Maraykanka ku matali doono Sri Lanka, Gambia, Gini, Costa Rica iyo Paraguay.
    Hasa ahaate waxaa la doonayaa in aqalka sare ee Maraykanka uu ansaxiyo magacyada safiiradda cusub ka hor inta aan loo oggolaan in ay tagaan wadamada ay ka howlgeli doonaan.