Dumaraka sucuudiga oo loo ogolaan doono maxram la’aan inay xajiyaan

0
427

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa shaaca ka qaaday in haweenka dalkaasi ay isu diiwaangelin karaan xajka sanadkan iyagoo maxram la’aan ah.
dumarka loo ogolyahay gudashada waajibaadka xajka, ayaa da’adooda lagu sheegay inta u dhaxaysa 18-65 sano jir sida ku cad warbixinta dawlada sucuudiga
qoraalka ka soo baxay wasaaradda xajka iyo cumrada Sacuudiga ayaa lagu cadeeyay in xajka sanadkan loo ogolaan doono 60,000 oo qof oo ku nool Sacuudiga oo kaliya.
Diiwaangelinta xujeyda ayaa bilaabatay Axadii 13-kii bishan June, waxaa ayna ku egtahay isla 23-ka bishani.