Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Amb. Jaamac Ceydiid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Baku ee Caasimadda dalka Azerbaijan.
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramo, iyagoona ka wada hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku saleysan iskaashi.
Amb. Jama Aidid oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in dhankiisa Wasiir Jeyhun Bayramo uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, isla markaana sheegay in muhiim ay tahay dib u soo celinta xiriirka labada dal.
Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ayaa waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dib u soo celinta xiriirka ka dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Azerbaijan uu fursad u yahay labada dal.