Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareb

0
352

Weerarka oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ku labisnaa Dharka Millateriga ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Maqaaxi kutaalla Magada Dhuusamareeb, waxaana weerarkaas ku dhintay Saddex Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen.
Raggii hubeysnaa ee weerarka fuliyay ayaa la sheegay inay Goobta isaga baxsadeen, waxaana baaritaano kale duwan xalay ilaa saaka wada Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo aan la ogeyn sababta ka dambeeysa weerarka.
Dadka weerarka ku dhintay qaarkood ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Nuur Colow iyo Liibaan Cumar, kuwaas oo lansheegay inay ahaayeen Ganacsato laga yaqaano Magaalada Dhuusamareeb.
Afhayeen u hadlay Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dadka wax ku noqday weerarkaas, isaga oo sheegay in lagubraad joogo dadkii falkaasi geystay si Cadaaladda loo horkeeno.
Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaan weli ka hadlin weerarkaasi lagu dilay dadka Ganacsatada ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.