Wararka naga soo gaaraya koonfurta galbeed ee dalka Pakistan ayaa sheegay in bas shil galay ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.
Baska ayaa wadada ka baxay kadibna god ku dhacay galinkii hore ee maanta xilli uu marayay aagga Karkh ee degmada Khuzdar ee gobolka Balochistan.
Sarkaal amni ayaa laga soo xigtay in baabuurka uu siday rakaab xad dhaaf ah.
Dr. Manzoor Zahir ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawaca uu yahay in ka badan 40 oo 10 ka mid ah ay xaaladoodu liidato.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Khuzdar ,Bashir Axmed ayaa sheegay in dadkan ay ka soo laabteen xaflad diimeed.
Waxaa uu intaa ku daray in dadka shilka ku dhintay oo dhammaan dhalasho ahaan ka soo jeedo gobolka Sindh ay rag yihiin.
Shilalka waddooyinka ayaa ku badan wadanka Pakistan waxaana inta badan loo aaneeya waddooyinka oo aan wanaagsanayn.
Isniintii ayay ahayd markii ugu yaraan 56 qof ay dhinteen ka dib markii labo tareen ay isku dhaceen.