Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay ugu baaqeen inay Xog dhab ah ka keento arrinta la xiriirta dhalinyaro Soomaali ah oo dibadda tababarro loogu qaaday kuwaas oo ay waalidiintoodu sheegeen inay dagaal Itoobiya uga qayb galeen.
Afhayeenka midowga Musharaxiinta Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamad oo Magaalada Muqdisho Shir Jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in dowladda gaar ahaan Madaxweynaha looga baahanyahay inuu arrintaan faahfaahin ka bixiyay.
Dhanka kale waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Koonfurta ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaaladaaasi, kuwaasoo Ciidamo Boolis ah ay rasaas ku kala eryeen.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Hooyooyin sheegay in Carruutooda Dowladda Soomaaliya ay tababar Ciidanimo ugu qaaday dalka Ereteriya, ayaa Tilmaamay inaysan nolol iyo geeri midna ku aheyn ubadkooda.
Banaanbaxayaasha ayaa taayaro ku gubay laamiga Magalada Gaalkacyo, iyagoo ka dalbaday Madaxda Dowladda iyo kuwa Galmudug inay Carruurtooda meel ku sheegaan.
Intii uu socday banaannaxa ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, kuwaasoo sida la sheegay rasaas ku kala Eryay dadka dibadbaxa dhigayay.
Banaanbaxaan Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu halkaasi ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Dowlada Soomaaliya ayaa beenisay inay jiraan ciidamo Soomaali ah oo dalalkale u dagaalamay wararka arinkaan ku saabsan ayayna dowladu sheegtay inay been abuur yihiin sidoo kale arimo siyaasadeed laga leeyahay.