Mali oo laga saaray dalladda dhaqaale ee ECOWAS

0
493

Hoggaamiyaasha wadamada galbeedka Afrika ayaa kulan ay ku yeesheen wadanka Ghana ka dib waxay soo afjareen xubinimadii Mali ee ururka dhaqaale ee ECOWAS.
Tallaabadan ayay kaga falceliyeen afgembigii Mali ka dhacay Isbuucii hore.
Waa markii labaad sagaal bilood gudahood oo dalkaasi ka dhacay afgembi talada lagula wareegay.
Hasa ahaate ururka ECOWAS oo ka kooban 15 xubnood ayaa ka gaabsaday inuu dowladda Mali xayiraado ku soo rogo.
Dowladaha dariska la ah Mali iyo quwadaha caalamiga ayaa ka cabsi qabo in xiisadda dalkaasi ka taagan ay caqabad ku noqon karto in bisha labaad ee sanadka 2022-ka ay doorasho dhacdo iyo sidoo kalena in aan laga guulaysan kooxaha argagixisada.