DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Kalembe Ndile

0
361

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni Richrad Kalembe Ndile.
Ndile ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka Nairobi oo lagu daaweynayay ka dib muddo dheer oo uu xanuunsanaa.
Mr. Kenyatta ayaa Kalembe oo geeriyooday isaga oo 57 sano jir ah ku tilmaamay siyaasi aad u dadaal badnaa oo heer sare ka gaaray nolosha.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in mudanihii hore baarlamaanka ugu matali jiray shacabka Kibwezi uu mudnaanta koowaad siin jiray danta qaranka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in sanado badan oo uu aqoon u lahaa uu Ndile si weyn ugu ololeyn jiray xuquuqul aadanaha gaar ahaan dhulalka la deggan yahay.
Qoyska uu ka baxay ayuu u rajeeyay in ay Samir muujiyaan isaga oo u sheegay inuu garab taagan yahay oo uu murugada la qaybsanaya.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo sheegay inuu aad uga naxay geerida Kalembe Ndile.
Ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka ayaa sheegay in mudanaha uu ahaa shakhsi ku fiican dhanka abaabulka sidoo kalena daryeeli jiray danyarta.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kalembe Ndile uu noloshiisa u huray shacabka Kibwezi oo lagu xusuusan doono muujinta dareen aan gabbasho lahayn marka laga hadlaya cadaalad loo wada siman yahay.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska Kalembe Ndile wuxuuna beeniyay inuu u geeriyooday cudurka COVID19

Kalembe Ndile ayaa xildhibaan ahaa intii u dhexeysay sanadihii 2002 iyo 2007-dii.
Sidoo kale 2006-dii ilaa 2007 waxaa uu ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradii dalxiiska iyo duurjoogta.