India oo kordhisay mudada la mamnuucay duulimaadyada caalamiga

0
866

Dowladda India ayaa maanta sheegtay in amarkii lagu mamnuucay duulimaadyada ganacsiga ee caalamiga uu sii jiraya ilaa 30-ka bisha lixaad ee sanadkan.
Waxaa amarkan soo saartay waaxda duulimaadyada ee dalkaasi.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19.
25-kii bishan ayay ahayd markii si ku meel gaar ah loo joojiyay adeegyada duulimaadyada rakaabka ee India.