Rw Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada oo saxiixay heshiiskii ay gaareen

0
498

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalkaasi ayaa saxiixay heshiiska laga gaaray murankii ka taagnaa qabashada doorashooyinka.
Qoraal goor dhow uu baahiyey xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamad Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xiray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.”
Intaasi ka dib wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Warbaahinta u akhriyay heshiiska doorashada ee lagu gaaray Shirka Teendhada Afisiyooni uga socday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here