Madaxweynaha Mali iyo ra’iisul wasaaraha oo xabsiga laga siidaayay

0
613

Ciidamada militariga ee dalka Mali ayaa saddex cisho ka dib xabsiga ka siidaayay madaxweyne Bah Ndaw iyo ra’iisul wasaare Moctar Ouane.
Isniintii ayay ahayd markii mas’uuliyiintan xabsiga la dhigay.
Tallaabada lagu xiray madaxdan ayaa timid saacado un ka dib markii isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada ee dalkaasi sidoo kalena xilalka laga qaaday labo sarkaal oo militari ah.
Sagaal bilood ka hor ayay ahayd markii militariga Mali uu xilka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita.