Madaxweynaha Faransiiska oo ku sugan Rwanda

0
590

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa safar ku joogo wadanka Rwanda.
Maanta oo khamiis ah ayuu gaaray caasimadda dalkaasi ee Kigali.
Socdaalkiisa ayaa ku saleysan xoojinta cilaaqaadka ka dhexeya labada wadan.
Shacabka Rwanda ayaa rajeynayay in Macron uu ka hadlo sidoo kalena raaligelin ka bixiyo xasuuqii halkaasi ka dhacay sanadkii 1994-tii waxaana na soo gaaraya in Macron uu ka garaabay kaalintii Faransiiska uu ku lahaa xasuuqa isaga oo cafis weydiistay shacabka Rwanda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Emmanuel Macron la filayo inuu wada-hadal la qaato dhigiisa Rwanda Paul Kagame.
Xasuuqi Rwanda waxaa ku dhintay ilaa 250,000 qof .