Edward Ouko oo horay u soo noqday hanti dhowraha qaranka ayaa madaxda ugu baaqay in ay aad iskaga ilaaliyaan lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu xusay in marka uu qofku xil hayo uu saameyn ku yeelan karo damac sare oo ah hanti kororsi.
Ouko ayaa ku celceliyay in madaxda laga doonayo in ay maalin kasta ku duceystaan xikmad , jiheynta toosan iyo caafimaad wanaagsan.
Arrimahan ayuu kaga hadlay munaasabadda qaran ee maanta wadanka loogu duceynayo.