Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo ku sugan Masar

0
516

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa gaaray dalka Masar .
Safarkan ayaa qayb ka ah socdaalka uu ku maraya dalalka bariga dhexe.
Waxaa uu sheegay inuu doonaya in la xoojiyo dhaqangelinta heshiiskii xabad joojinta ahaa ee toddobaadkii hore lagu soo afjaray duqeymihii Israa’iil ay ka waday Falastiin.
Shalay ayay ahayd markii Antony Blinken uu kulamo la qaatay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.
Waxaa uu ballanqaaday in xukuumadda Washington ay malaayiin doolar ku bixin doonto gargaar baniaadanimo oo loo fidinaya shacabka Qaza.
Mas’uulkan ayaa xusay in dowladda Maraykanka ay xaqiijin doonto in ururka Xammaas uunan ka faa’iidin gargaarka.
Inta uu ku sugan yahay caasimadda Masar ee Qaahira , xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa kulamo la qaadan doono madaxweyne Cabdel-Fataax el-Sisi ka hor inta uusan u duulin Jordan si uu wada hadal ula yeesho boqor Caballah.
Weerarada oo socday 11 cisho ayaa lagu dilay ugu yaraan 248 Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 66 carruur ah.
Waxaa sidoo kale marinka Qaza lagu dhaawacay ku dhawaad 2,000 oo qof.