Soomaaliland oo sheegtay in amniga la adkeeyay

0
540

Ayadoo lagu wado in Toddobaadka Dambe ay deegaanada Soomaaliland ka dhacaan Doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanada ayay Hya’adaha amaanka Soomaaliland Saraakiisha ugu Saraysa waxay yeesheen Kulan looga hadlayo Sugida amaanka Doorashada.
Taliyeyaasha Ciidamada Milatariga,Booliska iyo Asluubta oo Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Wasaarada arimaha Gudaha Soomaaliland ayaa waxay sheegeen in dhamaan Ciidamada amaanka ee Gobolada kala duwan ku sugan heegan Buuxa la galiyay si loo adkeeyo amaanka Doorashada oo la filayo inay dhacdo 31 bishaan oo ku beegan Maalinka isniinta ee soo aadan.
Shacabka ayay ugu baaqeen inay laamaha amaanka ku wargaliyaan cidkasta oo amaanka carqaladaynaysa si gacanta loogu dhigo oo sahrciga loo marsiiyo.
Ciidamada amaanka Soomaaliland ayaa la faray inay shacabka u turaan sidoo kalena ay ka digtoonaadaan waxkasta oo amanka wax u dhimanaya si doorashadu ay si nabad ah ugu dhacd guud ahaan deegaanada Soomaaliland.
Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiilada Soomaaliland oo isku sidkan ayaa lagu wadaa inay Isniinta dhacaan waxaan dhamaan siyaasiinta loogu baaqay inay Masuuliyad iska saaraan Xasiloonida ayadoo wadooyinka iyo goobaha ay bulshada isgu timaadana ciidamo gaaf wareegaya lagu arkayo.
Doorashadaan ahda Soomaaliland looga balansan yahay ayaa waxay noqonaysaa tii shanaad waxaana horay uga dhaceen Soomaaliland 3 Doorasho madaxweyne labo Golaha deegaanka iyo Mida Golaha wakiilada.