In ka badan 70 qof oo lagu dilay Qaza tan iyo saqdii dhexe xalay

0
389

Ciidamada Israa’iil ayaa duqeymo ay ka geysteen Qaza waxaa ay ku dileen in ka badan 73 qof tan iyo saqdii dhexe ee xalay, ka dib markii milatarigu uu ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada koonfureed ee Khan Younis inay ka baxsadaan “weerar aan horay loo arag”.
Weerarada maanta Marinka ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah mid ay militariga Israa’iil ay ku qaadeen hoyga barakaca ee magaalada Qaza oo ay ku dhinteen 22 qof oo u badnaa haween iyo carruur.
Hogaamiyayaasha Canada, Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan “tallaabo cad” oo ka dhan ah Israa’iil haddii ay joojin waydo duullaanka ka soo cusboonaaday Qaza, halka 22 dal ay Israa’iil ku boorinayaan inay u ogolaato gargaarka bini’aadantinimo gobolka go’doonsan.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku gacan seyray baaqyadaas, waxaa uuna ballan qaaday inuu sii wadi doono weerarka, oo ay ku jiraan qorshayaal ay Israa’iil ku doonayso inay kula wareegto guud ahaan Qaza.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza oo soo bilaawday in ka badan 19 bilood ka hor ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 53,498 qof halka lagu dhaawacay 121,398 kale oo Falastiniyiin ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isagoo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostooda loo maleynayo inay dhinteen.