Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyay in Ukraine iyo Ruushka ay waddahadallo toos ah ku yeeshaan magaalada Istanbul ee Turkiga 15-ka bishan May si loo gaaro “nabad waarta” iyo “in meesha laga saaro sababaha asaasiga ah” ee colaadda saddexda sano ah.
Hadalka Putin ee maanta ayaa imanayaa saacado ka dib markii hoggaamiyeyaasha Ukraine, Faransiiska, Jarmalka, Poland iyo Boqortooyada Ingiriiska ay ku baaqeen xabbad joojin 30 cisho ah oo shuruud la’aan ah inay bilaabato Isniinta berrito ah.
Hogaamiyayaasha, oo ku shiray caasimada Ukraine ee Kyiv, ayaa sheegay in baaqooda uu taageerayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waxaa ayna ku hanjabeen “cunaqabatayn ballaaran” oo cusub oo la saarayo xukuumadda Moscow haddii aysan ku raacin qorshahooda.
Putin ayaa sheegay in Axadda dambe uu kala hadli doono madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan fududeynta wadahadallada.
Ma jirin jawaab degdeg ah oo ay Ukraine ka bixisay soo jeedinta Putin.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa horey u sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal nabadeed, balse waa uun kadib markii xabad joojin la meel mariyo.