DHAGEYSO:Masaarida ku nool magalaada Hargeysa oo lagu amray inay Somaliland isaga baxaan

0
269

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta uga warbixiyay xafiisyada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee Hargeysa.
Waxaa uu ku wargeliyay in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya uu dhammaaday, islamarkaana heshiis sharci oo rasmi ah uu u dhow yahay.
Wasiirka ayaa diblomaasiyiinta caalamiga ah ee Hargeysa ku sugan u sheegay walaaca dowladda Somaliland ka qabto ciidamada Masar ee la soo dhoobay dalka Soomaaliya.
Dhanka kale, laybareerigii Masaarida ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa xiray xukuumadda Somaliland, iyada oo sidoo kale shaqaalihii ka howlgalayay xaruntaasi lagu amray in ay 72 saacadood gudahood kaga baxaan dhulka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here