Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Kilifi ayaa baaritaano ku sameynaya shil shalay subax ka dhacay Mariakani oo ka tirsan ismaamulka Kilifi.
Waxaa shilkaasi ku dhintay labo ruux iyadoo saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Shilka ayaa u dhexeeyay mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada iyo gaari ah nooca Range Rover waxaana uu ka dhacay aagga loo yaqaano Maji ya Chumvi.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in baabuurka Range Rover uu darawalka u kaxeynayay si xowli ah isagoo ku soo wajahnaa Nairobi.
Waxaa uu wadaha isku dayey inuu gaariga xamuulka ka hor maro taasi oo sababtay in labada gaari ay isku dhacaan.
Waxaa isla goobta ku dhintay laba qof oo saarnaa baabuurka nooca Range Rover oo kala ah nin iyo haweeney.