DHAGEYSO:Raila oo sheegay inuu maamulka madaxweyne Ruto ka badbaadiyay fashil

0
406

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inuu maamulka Kenya Kwanza ee talada dalka haya uu ka badbaadiyay fashil ku soo wajahnaa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu madaxweynaha waddanka William Ruto la soo xiriiray ka dib markii ay soo baxday in golihii wasiirrada ee uu soo dhisay uu ku guul dareystay dhaqangelinta qorshaha dowladda taasi oo horseedday dibadbaxyadii ay dhallinyarada sameeyeen.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday inuu qaar ka mid ah aqoonyahaannada mucaaradka u oggolaado in ay maamulkiisa ku biiraan.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xubnaha mucaaradka ee John Mbadi, Cali Xasan Joho, Opiyo Wandayi iyo Wycliffe Oparanya haddii uu magacaabidooda baarlamaanka ansixiyo ay isbeddel keeni doonaan si gaar ah xallinta sicir bararka nololeed, shaqo la’aanta, maamul xumada iyo musuqmaasuqa.

Audio Player