Maxkamadda oo laashay magacaabidda guddoomiyaha KRA

0
183

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaantay tallaabadii Antony Mwaura loogu magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulka canshuuraha ee KRA.
Garsoore Chacha Mwita ayaa go’aankan u aaneeyay in Mwaura la magacaabay isagoo wajahaya eedeymo la xiriira musuqmaasuq.
Waxaa uu xaakinka sheegay in aan la tixgelin qiyamka qaran iyo hufnaanta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in marka magacaabid la sameynaya loo baahan yahay in qofkaasi uunan wajahayn dacwado musuqmaasuq iyo dembiyo dhaqaale.
Garsooraha ayaa sidoo kale dhinac iskaga dhigay doodii Mwaura ee ahayd in markii la magacaabayay aynan jirin arrin ka hor istaagaysa in xilkan loo dhiibo.
Dooddaasi ayuu ku tilmaamay mid aan la isku difaaci karin.