DHAGEYSO:Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay howlgal burburin ah oo ka socda xaafadda Dab damiska ee Muqdisho

0
370

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal aroornimadii hore ee maanta ciidamada ku qaadeen Xaafadda Dab damiska ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in qoysaskii ugu badnaa ee degganaa Xaafadda Dab damiska inay isaga guureen halkaasi, islamarkaana kuwa haray ay ka gacan siinayaan guuristooda.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in muddadii loo qabtay shacabka degganaa Dab damiska ay ku ekayd maanta, isagoona xusay in dhulkan dowladda ka dhisi doonto xaruntii Qaranka ee Dab damiska.
Waxaa uu ugu baaqay warbaahinta inay ka shaqeeyaan wax walba oo ay ugu horreeyaan wanaaga iyo horumarka dalka.

Hadalka ka soo yeeray Booliiska Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, iyadoo wali ay isa soo tareyso cabashada ka soo yeeraysa qaar ka mid ah dadkii degganaa Dab damiska, kuwaas oo sheegaya inaysan garaneyn meel kale oo ay deggaan, islamarkaana ay dowladda ka dalbanayaan inay u dhaafto Dab damiska.