Dowladda oo ku dadaalaysa in dhammaan kenyaanka ay helaan biyo nadiif ah

0
335

Wasiiradda wasaaradda biyaha , waraabka iyo fayadhowrka ee dalka Sicily Kariuki ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay waddo qorsho lagu xaqiijinayo in sanadka 2030-ka boqolkiiba boqol shacabka ay helaan biyo saafi ah.
Arrintan ayay sheegtay xilli ay wareysi gaar ah siisay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Mrs.Kariuki ayaa hoosta ka xarriiqday in boqolkiiba 70 ee dadweynaha ay ka faa’iideen barnaamijka biyaha nadiifka ah.
Waxay sheegtay in markii maamulka talada haya ee Jubilee uu hoggaanka dalka qabanayay tiradan ay ahayd boqolkiiba 53.
Wasiiradda ayaa xustay inay wasaaradda maaliyadda la yeelanayaan wada hadal si sanad kasta arrimaha biyaha loogu qoondeeyo 30 bilyan oo shilin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here