DHAGEYSO:Ismaamulka Garissa oo bartilmaameedsanayaa in 165,0000 oo carruur ah ka tallaallo cudurka Jadeecada

0
516

Ololaha ka dhanka ah tallaalka cudurka jadeecada ay laga fulinayo 22 ismaamul oo ka mid ah 47 dowlad deegaan u wadanka ka kooban yahay ayaa maanta ka bilowday ismaamulka Garissa
Waxaa uu socon doono muddo 10 cisho ah laga billaabo maanta.
In ka badan 165,000 oo dhallaan ah ayaa lagu wadaa inay ka faa’iideystaan tallaalkan ee ismaamulka Garissa.
Tallaalka ayaa lagu bartilmaameedsanayaa carruurta ay da’doodu u dhexeyso sagaal bilood ilaa 5 sano oo tiro ahaan dhan 3.5 milyan guud ahaan dalka.
Ku xigeenka agaasimaha adeegyada caafimaadka ee ismaamulka Garissa Ibraahim Geedi ayaa sheegay in ololahan laga fulin doono dhammaan deegaannada hoostaga ismaamulkaasi.
Waxaa uu ku boorriyay waalidiinta inay ka faa’iideystaan fursadda maadaama qaar badan oo ka mid ah aysan booqanin xarumaha caafimaadka.
Waxaa xusay in tallaalka si fudud loo heli karo dhammaan xarumaha caafimaadka islamarkaana hadii aan laga faa’iideysan ay khatar gelin karto nolosha carruur badan oo aan qaan gaarin.
Dhanka kale Ismaamulka Wajeer ayaa ka mid ah dowlad deegannada maanta laga bilaabay tallaalka Jadeecada.
Nimco Golo oo u qaabilsan caafimaadka dadweynaha Wajeer ayaa faahfaahin ka bixinaysa tallaalka cudurkan ay ka bilowday dowlad deegaankaasI

Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda caafimaadka Dr. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in tallaalka uu yahay mid si lacag la’aan ah carruurta loo siinaya.
Waxay intaasi ku dartay in muddo hal sano gudihii ah jadeecada laga soo tabiyay in ay ka dillaacday ismaamullada Mandera, Wajeer, Garissa, West pokot iyo Tana River .
Barnaamijkan waxaa dowladda dhexe uga baxaya qarash gaaraya 800 oo milyan oo shilin sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Dr. Mercy ayaa intaasi ku dartay in tallaalka ka dhanka ah jadeecada laga bixin doono dhammaan xarumaha caafimaadka ee 22-ka dowlad deegaan.
Sidoo kale waxay sheegtay in ololaha uu soconaya iyada oo si buuxda loo ilaalinaya xeerarka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Dr. Mercy Mwangangi ayaa shaacisay in ugu yaraan 16,000 oo ah howlwadeenada caafimaadka ay tallaalka ka fulin doonaan 5,061 xarumood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here