DHAGEYSO:Golaha warbaahinta MCK oo cambaareyn u jeediyay barasaabka Bungoma

0
418

Golaha warbaahinta dalka (MCK) ayaa cambaareeyay barasaabka ismaamulka Bungoma Wycliffe Wangamati.
Tani ayaa imaaneysa ka dib markii guddoomiyaha dowlad deegaankaasi uu wariye ka howlgala warbaahinta maxaliga ee Royal Media uu u hanjabay.
Mr .Wangamati ayaa la sheegay inuu ugu hanjabay wariye Jimmy Simiyu sheeko uu dabagal ku sameynayay.
Bayaan uu soo saaray golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa lagu sheegay in goluhu uu ka warqabo in barasaabka uu wariyaha u yeeray si uu ugu hanjabo ka dib markii tifaftire ka tirsan warbaahinta uu si khaldan ugaga hadlay sheeko uu weriyuhu gudbiyay oo 12-kii bishaan laga soo tabiyay ismaamulka Bungoma.
Wariyaha ayaa hanjabaadda ku wargaliyay laamaha amaanka ee saldhigga booliska ee Bungoma.
Madaxa fulinta ee MCK David Omwoyo ayaa isaga oo ku hadlaya magaca golaha warbaahinta dalka sheegay in ay hadda doonayaan in barasaabka ismaamulka Bungoma uu ka laabto hanjabaadda islamarkaana uu ixtiraamo madaxbanaanida iyo xorriyadda dhammaan saxafiyiinta.
Mr .Omwoyo ayaa sidoo kale ku boorriyay taliyaha guud ee booliska dalka Hillary Mutyambai inuu soo dhexgalo isagoo hubinaya in arrintan si deg deg ah loo baaro oo dadka ku lugta leh dhacdadan lala xisaabtamo.
Waxaa uu dhanka kale goluhu sheegay in booliska laga doonaya inuu damaanad qaado badqabka wariyaha.
Waxaa uu intaa ku daray goluhu in warbaahinta Royal Media laga doonaya inay caddeeyaan in mid ka mid ah tifaftirayaasheeda uu ku lug leeyahay dhacdadan islamarkaana hadii lagu helo dambi laga qaado tilaabo dhanka habdhaqanka ah.
Golaha warbaahinta ee MCK ayaa ku boorriyay dadweynaha iyo waaxyaha kala duwan ee maamulka oo ay ku jiraan dowlad deegaannada inay ka fogaadaan hanjabaadaha iyo carqaladeynta howlaha saxafiyiinta si ay u gutaan waajibaadkooda sharciga ah ee u adeegida shacabka.
Dhanka kale wariyaasha ka howlgalo ismaamulka Bungoma ayaa dhigay dibadbax ay ku garab taagan yihiin suxufiga loo goodiyay oo ayna ku dalbanayaan raali gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here